Doorashadu waa udub aasas u ah jirtanka hab dawladeed oo ku dhisan rabbitanka bulsho meel ku wada nool. Waa seeska iyo asaaska dumuqradiyadeed ee ay bulashadu ku doortato hogamiyaha ay u malaynayan inuu hogamin karo wadankooda. Iyaga oo ka eegaya dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin
Aqoonta uu murashaxuu u leeyahay, kobaca dhaqalaha, shaqo abuurista, dhismayasha mashariic dadwaynaha asassi u ah iyo la tacamiilka dawladaha shisheeye.
Marka ay doorashadu soo dhawato sida aad in badan ka aragteen warbahinta calaamka waxa la qabtaa dood ay fooda isku daraan mudanayasha u tartamaya jagada madaxtinimada ee dalkaasi. Si lamid ah doodii 2017 ka dhacday Somaliland ee ay Fooda isku dareen saddexda murashax ee hadda xilka u tartamaya.
Ka hor intanay doodasi qabsoomin waxa jira qaybo bulshada kamid ah oo iyagu markii hore aan weli go’aansan murashaxa ay ucodayn lahayeen lakiin kadib marka ay dhagaystaan balanqadyada murashaxiinta la imada go’aan koodi hore ka duwan oo ay ku go’aan sanayan murashaxa ay u codaynayan doorashada soo socota
Haddaba Su’aashaydu waxay tahay maxa bulshadeena dhaxdeeda looga wayay dad masiirkoodu anu ku xidhnayn arrimaha aynu hadda murashaxa ku qiimayno ee an u bahnayn in la carabaabo, oo loo heli wayay dad murashaxa ku qiimeya balanqadyadiisa iyo aragtidiisa siyasadeed?



